Hay’adaha Saadaasha Hawada Oo Ka Digay Duufaan Ku Soo Fool Leh Dalal Somaliland Ku Jirto
October 10, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar ay soo saareen Hay’adaha Saadaasha Hawada ee Caalamiga ah, ayaa sheegaya in Duufaan lagu Magaabo Lubaan ay ku soo fool leedahay Waddamada Khaliijka Carabta iyo Waddamada Soomaaliya, Somaliland iyo Jabuuti.
Hay’adaha Saadaasha Hawada ee Digniintan soo saaray ayaa sheegay in Duufaanta Lubaan ay Dalalka Somaliland ka mid tahay ay ku soo fool leedahay Maalinta Axadda ee Toddobaadka dambe haddii Alle yidhaahdo.
Dabbayshan oo Hay’adaha Saadaaliyey sheegeen inay ka soo kacayso bariga Badda Suqadara, ayaa la sheegay inay marka koowaad ku beegan tahay Dalka Cumaan, gaar ahaan Magaalada Salaala oo ay ku taallo Dekedda ugu weyn dalkaa iyo Dalka Yemen.