Daawo Muuqalka”Telefishanka Aljazeera Oo Baahiyay Warbixin ka Dhan Ah Somaliland
October 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefishanka laga leeyahay dalka Qadar ee Aljazeera qaybtiisa Carabiga ayaa laga sii daayay warbixin ka dhan ah xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa Arbacadii kaga qayb galay Berbera dhagax dhigga balaadhinta dekedda Berbera oo ay bilaabayso shirkadda reer Imaaraad ee DP World waxaanu warkani u muuqday mid lagu soo beegay bilawga mashruucan.
Warbixinta ayaa dawladda Imaaraadka ku eedeysay in ay Soomaaliya gayso hub, islamarkaana soo xigatay warbixin ay sheegtay in ay soo saareen kooxda Qaramada Midoobay ee kormeerta cunaqabataynta Hubka Somalia iyo Ereteriya saaran. Warbixinta ay soo xigteen ayaa sheegaysa in Imaaraadku saldhig Militari oo sharciga khilaafsan ka dhisanayo Berbera.