Gaalkacayo”Nin Dhallinyaro Ah Oo Qudha Ka Jaray Nin Oday Ah Oo Hooyadii Meher Qarsoodi Ah Ku Guursaday
October 11, 2018 - Written by Berbera Today
Galkacayo(Berberatoday.com)-Gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya waxa ka dhacday qiso layaab leh kadib markii nin dhallinyaro ahi uu qudha ka jaray nin hoooyadii u guursaday sifo qarsoodi ah oo aanay dad badani ogayn taasi oo ka cadhaysiisay wiilka hooyadii la meher xaday kadibna uu qudha ka jaray ninkii hooyadii guursaday.

Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta Maxaliga ahi Nin dhalinayaro ah , ayaa ku diley nin waayeel ahaa duuleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ka dib markii uu si qarsoodi u guursadey hooyadii oo ku mehersadey dhul baadiye ah.