Wadooyinka Soo Gala Madaxtooyada Somaliland Oo Saaka La Xidhay Iyo Sababta Keentay
October 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shacabka magaalada Hargeysa ayaasaaka ku waabaristey inta badan wadooyinka soo gala madaxtooyada Somaliland oo xidhan .
Sababta wadooyinka loo xidhay ayaa ah iyada oo maantamadaxtooyada Somaliland lagu qaban doono xaflad loogu dabaal degaayo Balaadhinta ay dekada Berbera ku sameyn doonto shirkada Dp World taas oo uu shalay soo dhagax dhigay madaxweyne ku xigeenku
Waxaana xafladan ka qeyb gali doona masuulyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi