Wasiirka Maaliyadda oo Sheegay inay Dhammaystireen Nidaamka Cusub ee Maaliyadda Somaliland
October 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan dhammaystireen siyaasadda guud ee Miisaaniyadda dalka, isla markaana ay gacanta ku hayaan diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2019-ka, halka ay tii sannadkanna sidii loo qorsheeyey u dhammeeyeen.
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda oo Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ay soo kordhiyeen iyo waxa ay wax ka beddelka ku sameeyeen ee Nidaamka Miisaaniyadda iyo oddoroskeeda. Waxa uu Wasiir Yuusuf Baaq u diray Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada iyo Shacabka Reer Somaliland.