Dufaan Ku Dhufatay Dalka Hindiya Oo Khasaare Balaadhan Geysatay.
October 12, 2018 - Written by Berbera Today
India(Berberatoday.com)-Waxa kor u kacday tiradda dadka ku dhintay Dufaanta Tetley ee ku dhufatay wadanka Hindiya
, waxaanay dhimashadda dadkaasi gaadhey 8 qof, kuwaas oo ku dhintay gobolka Andara Paradeesh ee Barriga dalka Hindiya.
Waxaana dadkan kusoo dumay gidaaro iyo dhir kusoo dhacday , kuwaas oo ay rideen dabaylaha xoogan ee degaanaddaasi ka dhacaaya, waxaanay jarayaan dabaylahani masaafo dhan 150 km saacadiiba.
Maamulka gobolkaasi ayaa dadka degaanka ugu baaqay in ay ka guuraan dhulka joogiisu hooseeyo , iyada oo laga raray degaankaasi dad gaadhaaya 300,000 (Saddex boqol oo kun ) oo qof,waxaana dawladdu u diyaarisay raashin gaadhaaya 800 oo Tan iyo waxyaalo ay dugsadaan.