Turkiga Oo Soo Bandhigay Codad Iyo Muuqaalo Ku Saabsan Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi
October 12, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xidhay qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay oo jirkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska.