Cuntada Shiilan Ama Qasacadaysani Waxa Ay Keentaa Dhiigkar, Wadne Xanuun Iyo Caafimaadarro Oo Kale
October 12, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis caafimaad oo dalka Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in cuntooyinka shiilan sida quraaca iyo saambuusaha ama cuntooyinka warshadaysani ay keenaan dhiigga oo kaca. Cilmibaadhayaasha oo ka tirsanaa maxadka caafimaad qaranka ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in nidaamka cunto uu ka mid yahay arrimaha saamaynta ku leh khatarta ah dhiigkarka.
Cilmibaadhistan waxaa lagu faafiyey Warsidaha caafimaadka ee ‘Journal of American Medical Association’ ayaa sheegaysa in cuntooyinka shiilan, cuntada warshadaysan iyo cabbitaannada sonkortu ku badan tahay ay dhammaantood dhiigga kiciyaan, gaar ahaan marka uu qofku dhiigkarka leeyahay.