Haweenay 24 Sano Jabhada ONLF Kamid Ahayd Oo Markii U Horraysay Qoyskeeda La Midowday, Kana Warantay Dhibaatooyin Soo Maray Qoyskeeda
October 12, 2018 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberatoday.com)-Tan iyo markii baarlamaanka Itoobiya uu xayiraaddii ka qaaday ururrada mucaaradka ee dalkaasi oo ay ka mid ahayd jabhadda hubeysan ee ONLF, ayaa waxaa billowday in hogaamiyayaasha ururradaasi ay dib dalkooda ugu soo laabtaan ka dib tobannaan sano oo ay dibadda ku noolaayeen.
Dadka dib Itoobiya ugu soo laabtay waxaa ka mid ah Cambaro Aw Axmed, Madaxa Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee ONLF oo in kabadan 24 sano dibadda ku noolayd.
Maqnaanshaheeda iyo jabhadnimadeedu waxaa Jeel ku muteystay seygeedii iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay.