Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashey Saamigii Ay Ku Laheyd Dekada Berbera Halka Uu Ku Danbeeyey
October 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera & dhamaan iskaashiga u dhexeeya Somaliland, isla markaana beenisay hadal xisbiga Waddani ka soo yeedhay.
Md Berhe Tesfay, Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inaanu waxba ka jirin hadal xisbiga Waddani shaki kaga muujiyey ka maqnaanshahii Itoobiya ee xafladii heshiiska balaadhinta dekeda Berbera.
Md Tesfay oo weriye Maxamuud Walaaleye wax ka weydiiyey dareenkiisa heshiiskii balaadhinta dekeda Berbera iyo hadal xisbiga Waddani ka yidhi ka maqnaanshahooda, isagoo jooga Hargeysa galabta ayaa ku jawaabay