Ciyaaryahanka Turkishka Ah Ee Arda Turan Oo Nin Fanaan Heesaya Dhaawacyo Gaadhsiiyay Iyo Sababta Keentay
October 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciyaaryahanka caanka ah Arda Turan ayaa ay su’aalo weydiiyeen Booliska dalkaasi ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu gacan u qaaday Heesaa dalka Turkiga caan ka ah oo lagu magacaabo Berkay Sahin.
Goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taala dalkaasi ayay wararku sheegayaan in uu khilaaf ku dhex maray labadan nin ee ciyaaryahanka iyo heesaaga ah, halkaas oo uu ku dhex maray dagaal gacan ka hadal oo ah oo sababay in ciyaaryahanku Turan uu sanka jabiyay heesaaga Berkay.
Xiddiga Caanka ah ee Turan ayay muddo saddex saacadood ah su’aalo weydiinayeen ciidamada Boolisku, kuwaas oo uu ugu tagay saldhigooda.