Khasaaraha Ka Dhashay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Wadada Bariga Magaalada Hargeysa
October 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-11 qof ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo ka dhacay degaanka Burcada Yar ee bariga magaalada Hargeysa.

Sida uu u sheegay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Taliyaha xafiiska Nabadgelyada Waddooyinka ee Aagga bari ee magaaladda Hargeysa Laba Xiddigle Maxamed Muuse Xirsi, shilkan ayaa dhacay abaaro 10:00 subaxnimo ee saaka ka dib markii gaadhi noociisu yahay Bas oo ay leedahay shirkadda Salaama uu galay guri waddada dhanka waqooyi ka xigay.