Wasaaradda Beeraha Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaan Ku Soo Waajahan Sanaag Iyo Xeebaha Gobolka Saaxil Ee Somaliland
October 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, ayaa Shacabka ku dhaqan Gobollada iyo qaybo ka mid ah Xeebta Gobolka Saaxil Duufaan la saadaaliyey inay 24-ka Saacadood ee soo socda ku dhufato deegaannadaasi.
Wasiir Axmed Muumin Seed oo uu wehelinayey Agaasimaha Waaxda Dhulka, Biyaha iyo Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqani Yuusuf Galaydh, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiska Magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in Duufaantan oo Magaceedu yahay Luban ay ka bilaabantay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, saamayna ku yeelan doonto qaar ka mid ah Waddamada Koonfurta Aasiya, sida Yemen iyo Cumaan, sidaa darteedna la saadaaliyey inay saamayn ku yeelato deegaanada Xeebaha ee Somaliland, gaar ahaan Gobollada Sanaag iyo Saaxil.