Daawo Muuqalka”Waraysi Xaasaasiya: Xoghayaha Xisbiga Kulmiye oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Ramaax, Soona Bandhigay Sababihii Xilka Looga Qaaday Jaamac Shabeel
October 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee xisbi xaakimka Kulmiye Xasan Siciid oo waraysi xaasaasiya oo dhinacyo badan taabanaya lala yeeshay ayaa waxa uu ka hadley arrimo door ah, Isagoo weerar afka ah ku qaaday Siyaasi Ramaax Cali hayste isagoo sheegay in aanu waxba ka ahaan jirin xisbiga Kulmiye oo aanu ka mid ahayn golaha dhexe ee xisbiga. Sidoo kale Xoghayaha xisbiga Kulmiye Xasan Siciid ayaa waxaa uu soo bandhigay sababihii xilka looga qaaday gudoomiyihii Golaha dhexe ee xisbigaasi Jaamac Shabeel.