Gabiley(Berberatoday.com)-Wasiirka Hawlaha guud Cabdirashiid Qambi ayaa Maanta booqday Dugsi lagu Magacaabo New Gabiley, kaasi oo Dadweynaha reer Gabiley si iskaa wax u qabso ah ku dhisayaan.
Wasiirka ayaa markii uu halkaa tagay wuxuu ku deeqay 4 kun oo Jaajuur ah, kaasi oo uu kaga qayb-qaadanayo dhismaha Dugsigaasi.
Wasiirka oo intii uu halkaa ku sugnaa Saxaafadda la hadlay ayaa amaanay qorshaha Iskaa wax u qabsada ah ee Dadweynaha Gabiley bilaabeen.
Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo
Berberatoday.com