|
berberatoday.com
Aabaha Dhalay Mid Ka Mida Xiddigaha Kubadda Cagta Oo Noqday Madawgii Ugu Horreeyey Ee Maayar Noqda Magaalo Yurub Kun Taala
October 16, 2018 - Written by Berbera Today
Waddanka Belgium ayaa waxa qofkii ugu horreeyey ee Madow ah loo doortay Mayor kaas oo ah aabbahay dhalay xiddiga difaaca uga ciyaara Manchester City ee Vincent Kompany.
Pierre Kompany ayaa codadkii ugu badnaa ka helay doorashada dawladaha hoose ee xaafadda Ganshoren ee magaalada Brussels, halkaas oo uu ka noqon doono Mayor ama duqa xaafaddaas.
Mr Kompany oo ku dhashay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa tegay Belgium sannadkii 1975-kii isaga oo qaxooti ah, waxaana uu siyaasadda ku biiray sannadkii 2006, illaa waqtigaasna waxa uu ahaa xubin firficoon oo laga soo doorto xaafadda uu deggan yahay, ka hor intii aanu kusoo bixin baarlamanka dalka Belgium sannadkii 2014.
Pierre Kompany oo dhalay Vincent Kompany oo ah kabtanka Manchester City iyo xulka qaranka Begium ayaa waxa kale oo uu aabbo u yahay Francois oo u ciyaara naadiga KSV Roeselare.
Labada ciyaartoy ayaa si wada jir ah ugu hambalyeeyey aabbahood, waxaanay bartooda Instagram kula wadaageen hal sawir oo ay gacmaha is haystaan dad ka badan 1.6 milyan, iyagoo raaciyey farriin kooban oo ay ku sheegayaan siday ugu faraxsan yihiin guusha aabbahood.
Soo Galootigii kale ee tartamay
Sannadihii ugu dambeeyey siyaasadda Belgium waxa kusoo badanayey dad ajaanib ah oo qaarkood ay u tartameen Mayor. Emir Kir oo uu dhalay muwaadin u dhashay dalka Turkey ayaa sannadkii 2012 loo doortay duqa Saint-Josse, waxaana sidoo kale sannadkii 2016 la doortay Nadia Sminate oo uu aabbaheed ka yimid Morocco oo noqotay hoggaamiyaha Londerzeel.
Berberatoday.com
COMMENTS
|