|
berberatoday.com
Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Ku Lammaan Duugista Jidhka
October 16, 2018 - Written by Berbera Today
Qormada Caafimaadka ee Maanta waxa aan ku eegi doonaa waxa loo yaqaano duugista ama daliigista ama masaajka uu qofku isku sameeyo ama lagu sameeyo iyo saamaynta uu caafimaadka u leeyahay. Dhaqan ahaana Soomaalidu ay aaminsan yihiin Duugista. Duugista waxaa la samayn jiray kumanaan sano ka hor, waxaana jira tobaneeyo nooc oo duugis ah, kuwaasoo isugu jiro riixriixid, ruxruxid, duugis, daliigis, dubaaxin iyo qalqalloocin, waxay kaloo duugistu ka mid tahay daaweynta iyadoo loo yaqaano “Message Therapy” ama “Physiotherapy”, waxaana jira dad ku takhassusay oo jaamacado uga soo baxay duugista. Duugista waxaa la adeegsan karaa qalab ama qalab la’aan, waxyaabaha la adeegsado waxaa ka mid ah, dhagaxaan kulul, carro kulul, biyo kulul, qalab koronto, saliid kulul IWM. Qoraalkan kagama hadli doono sida loo sameeyo duugista, laakiin waxaan tilmaami doonaa sida uu caafimaadka wax ugu taro:
-Isku-buuqa, Welwelka iyo Nijadjabka: Duugista iyo masaajka waxaa lagu dareemaa nasasho iyo raaxo, wuxuu hoos u dhigaa hormoonka u qaabilsan welwelka jidhka, taas oo keenta in qofka niyadiisu ay daganaansho dareento, wuxuu kaloo hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga, wuxuu kaloo firfircooni galiyaa dhambaal-qaadayaasha neerfaha jidhka ee loo yaqaano “serotonin iyo dopamine” kuwaasi oo daawo u ah niyad jabka iyo diiqadda.
-Xanuunka: Duugista iyo masaajku wuxuu yareeyaa dhabar xanuunka oo badanaa ka dhasha togtognaanta murqaha “Muscle Spasm”, daraasad la sameeyay 2011 waxaa lagu taliyay in dhabar xanuunka ka yimaadda cilladaha murqaha iyo neefaha in duugis lagu daaweeyo inta aan daawo la qorin
-Roomatiisamka: Duugista iyo masaajka waxaa lagu xalliyaa qallafsanaanta is-goysyada, adkaanshaha murqaha, tani waxay ka hortagtaa in is-goysyadu shaqada joojiyaan iyo murqaha oo adkaada.
-Hurdo La’aanta: Duugista waxaa lagu daaweeyaa hurdo yarida, qarawga badan iyo maskaxda mashquulsan, dhowr cilmi-baadhisood oo lagu baadhay xidhiidhka ka dhaxeeya hurdada iyo duugista, waxaa la arkay in mawjadaha hurdada keena ee maskaxda inay kordhaan, qofkuna si degdeg ah hurdo ku qabato.
Difaaca jidhka: Duugistu waxay kor u qaaddaa hab-dhiska difaaca jidhka, khaasatan unugyada dhiigga cadcad noocyadooda kala duwan.
-Xanuunka Caadada: Duugista iyo masaajka waxaa lagu daaweeyaa xanuunka caadada Foojignaanta: Duugista iyo masaajku waxay kordhiyaan foojignaanta iyo wax fahmidda, daraasad lagu sameeyay arday imtixaan xisaabeed u fadhiisan lahayd, qaar ka mid ah ardaydaas waxaa loo sameeyay duugis / masaaj, qaarka kalane looma samayn, waxaa la arkay in kuwii loo sameeyay inay imtixaanka hor dhameeyeen, imtixaankana si sax ah uga shaqeeyeen
-Madax Xanuunka: Duugista dhafoorrada iyo madaxaba waxay yaraysaa madax xanuunka, khaasatan nooca “tension headache” oo ka dhasha stress-ka, iskubuuqa, xanaaqa iyo shaqada badan.
Xanuunka Kansarka: Cudurka kansarka waxaa la socda xanuun jidh iyo mid nafsaani oo qofku uu dareemo, dhowr daraasad ee lagu sameeyay dadka qaba kansarka ama qaata daawooyinka kansarka, waxaa lagu arkay in duugista iyo masaajka uu xal u yahay in badan oo ka mid ah xanuunada ay dareemaan dadka kansarka qabaa.
Maadaama aan tilmaannay faa’iidooyinka laga helo duugista iyo masaajka, wuxuu qofku isweydiin karaa laba su’aalood oo kala ah:
Sidee U Samayn Karaa Duugis? – Sida aan kor ku soo xusayba, duugistu way noocyo badan tahay, siyaabo badan oo la sameeyayna way jiraan, nooca ay badanaa soomaalidu taqaano waa isku-kubeynta biyaha kulul iyadoo la adeegsanayo “boorsokaaldo”, waxaa kaloo ka mid ah, in jidhka lagu daliigo saliid diirran, khaasaatan dhinaca dhabarka, lugaha, miskaha, gacamaha iyo meelaha uu qofku ka daallan yahay, waxaa kaloo ka mid ah in la isku istaago iyadoo la iska ilaalinayo inuu qofka kugu taagani dhaawac ku gaadhsiiyo. Haddii aad u baahan tahay in aad barato qaababka xirfadaysan ee loo sameeyo waxaad internetka ka daawan kartaa sida loo sameeyo, ama adigu isku samee ama ha lagugu sameeyo inkastoo waxtarku uu badan yahay markii qof kale ku duugo ama ku masaajeeyo.
Halkee Isku Duugi Karaa? – Duugistu ma aha sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in loo tago meelaha la isku duugo, duugistu waa wax sahlan, waxaana lagu samayn karaa guryaha, waana muhiim in labada qof ee is qabaa inay bartaan siyaabaha la isku duugo, maadaama labadooduba ay faa’iido u wada leedahay.
Halista Ku Joogjoogsiga:
Isku Joogjoogsiga lafaha khaas ahaan kuwa dhabarka iyo qoortu waa caado ay sameeyaan dad badani, inkastoo sababta isku joogsiga loo sameeyo ay isku mid tahay, laakiin waxay keenaan cillado kala duwan. Fikradda ka dambaysa isku-taaga, waa in lafaha dhabarka ama qoorta oo is cidhiidhay oo isa saarmay cadaadis, ku istaagga iyo jucjuciskane way kala dajinaysaa oo waxay khafiifinaysaa togtognaantii iyo cadaadiskii iyo xanuunkii laga dareemayay dhabarka, markuu qofku maqlo shanqadha lafaha markuu lagu istaago ama la riixriixo wuxuu dareemaa raaxo iyo inuu celys ka fududaaday.
Waana arrin jirta oo ay dhakhaatiirtu ogolyihiin in la sameeyo laakiin waxaa ku xidhan dhowr shardi oo kala ah:
– In istaagga uu sameeyo qof aqoon u leh qaabka ay lafuhu u samaysan yihiin maadaama qofka aan aqoonin uu keeni karo dhibaato in xangullaha ama neerfaha uu dhaawac gaadhsiiyo taasoo keeni karta in qofku baaralays ama cuuryaan noqdo.
– In qofka lagu istaagayo aanu ahayn qof lafa jileec ama lafa burbur qaba oo lafihiisu aanay xammili karin culayska la saaray, waa arrin ku badan haweenka da’da ah, waxaana xanuunkaasi la yidhaa Osteoporosis.
-In qofka aan qabin xanuun duugis kaliya xalkiisu ahayn sida xanuunada lafaha ku dhaco sida roomaatiisamka, lafo-beelka, xanuunada neerfaha iyo wixii la mid ah.
Jimicsiga ama daliigista ama riixriixa waxay waxtarkiisu ku fiican tahay dadka qaba xanuunada murqaha garbaha iyo laf-dhabarta isku haya, haddii ay adkaadaan ama dabcaan waxaa iman kara in lafuhu isu dhawaadaan ama booskoodii ka soo durkaan taasoo qofka dhibaysa, cadaadisna ka saaraysa dhabarka, xalkuna waa in qofka daliigistaan ama jimicsigaas dhabarka loo sameeyo.
Waxaa jira dhakhaatiir ku takhasustay riixriixaas kuwaas oo kala duwan, sida kuwa jimicsiga sameeya “physiotherapists” kuwa ku takhasusay cilladaha ku dhaca lafdhbarta “chiropractor” iyo dhakhaatiirta lafaha ku takhasustay “Orthopedic doctors”. Cilladaha ugu badan ee dadka u dareemaan in ay u baahan yihiin isu istaagga waxay ka dhalataa qofkoo si qaldan u fadhiya muddo dheer ama dhabarkiisa saaray culays taasoo keenaysa in dhabarka uu galo qallooc u baahan sixitaan lagu saxayo cadaadinta. Waxaa kaloo keeni kara stress-ka iyo welwelka iyo shaqada badan oo qofka nasashadu ay ku yar tahay, sidaa daraadeed marka muddo la joogaba in qofka uu daliigis sameeyo way ku fiican tahay. Waxaa kaloo dareema arintan dadka jimicsigu ku yaryahay ama shaqadoodu aanay wax dhaqdhaqaaq ah u badnayn.
Qalinka: Dr. Cabdilaahi M. Mahdi
COMMENTS
|