Maandooriyaha Xashiishka Oo Dalka Kanada La Sharciyeeyey
October 16, 2018 - Written by Berbera Today
Canada(Berberatoday.com)-Berri waxa dalka Kanada ka bilaabmayo maandooriyaha xashiishka loo yaqaan oo isticmaalkiisa, ganacsigiisa iyo beerashadiisaba la sharciyeynayo. Arrintan ayaa soo bilaabatey 20 sano ka hor, ka dib marki Raysul Wasaarihi hore ee Kanada, Jean Chritien uu bilaabey ololaha sharciyeynta cabista maandooriyahan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Kanada ayaa aad uga soo horjeeday tilaabadan, hadana waxa ay isu diyaarinayaan sidi ay qasaaraha sharciyeynta maandooriyahan uga yareyn lahaayeen jaaliyaddooda iyo qoysaskoodaba.