Ujeedka Wasiirrada Arimaha Dibada Dalalka Itoobiya Iyo Eritrea Oo Gaadhay Muqdisho Iyo Ujeedada Booqashadooda
October 17, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa goor dhaweyd ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi labo geesood ah oo ay horkacayeen wasiirro arrimo dibedeedka dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiri doono wada hadal saddexda wasiirro arrimo Dibedeed ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ku dhaxmari doona magaalada Muqdisho, iyadoo horay wada hadallo noocan ah uga dhaceen magaalooyinka Addis Ababa ee iyo Asmara.