Mareykanka Oo Xidhaya Qunsuliyaddiisa Magaalada Qudus Iyo Sababta Keentay
October 19, 2018 - Written by Berbera Today
Qudus(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaadday iney albaabbada isugu dhufaneyso qunsuliyaddeeda guud ee ku taalla magaalada Qudus, taasoo ka shaqeyneysay arrimaha Falastiiniyiinta, hase ahaatee howlaheeda loo weecin doono safaaraddooda cusub ee magaalada Qudus, sida uu ku dhawaaqay xog hayaha Arrimaha Dibedda.
