“Kursigga Ilahay-Baa Bixiya Sabab Kasta Qofku Ha Ku Yimaadee”Sheekh Aadan Siiro”Daawo Muuqal
October 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Qofka Muslimka ahi ku qanco wixii uu Illaahay siiyey.
Khudbadda Jimcaha oo gebi ahaanteeda ku saabsanayd ‘Qanaacada’ ayaa Sheekhu kaga warramay in dhibaatooyinka haysta Ummadaha Muslimiinta ah xilligan inay ka mid tahay in Dadka hoggaamiya ama hormoodka u ahi aanay ku qanacsanayn wixii Allaah siiyey ama uu u Qadarray, taasina keenayso is-qabqabsiga Bulshooyinka ka dhex jira.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa ‘Qanaacada’ ama in Qofka Muslimka ah ku qanco waxa Illaahay siiyey ee uu ugu talo-galay, hadday Carruur tahay, hadday Adduun tahay, hadday Aqoon tahay, si loo ilaaliyo in aynaan noqon ‘Xadiiqatul Xayawaan’. Xayawaanku siday u kala xoog weyn yihiin ayay isku muquuniyaan, sababtoo ah waxaan jirin Nimcada uu Alle bani-aadamka siiyey ee Caqliga ah ee wax lagu kala saaro. Labadaa sifo waa laba sifo oo ka maqan Dadka Maanta Muslimiinta hoggaamiya iyo inta Muslimiinta u ah hormoodka, taasina waata keentay dhibaatada haysata Dadka Muslimiinta ah intooda itaalka daran iyo intooda u baahan in Caddaalad lagu hoggaamiyo, waxoogana loo ilaaliyo, iyagana la daryeelo.”