Cabdi Iley Oo Isku-dayey Inuu Ka Baxsado Xabsiga Iyo Qareenkiisa Oo Ka Hadlay
October 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda gacanta ku heysa kiiska Madaxweynihii hore ee dowlad-deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), ayaa lagu wargaliyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsiggii lagu hayay.
Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ka muddeysnaa Maxkamadda sare ee Fedeeraalka Itoobiya oo maxkamadda la horkeenay ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu daneynayo in Cabdi lagu xidhay xabsi ku dhex yaalla xarunta booliska.