Akhriso Madaxweyne Muuse Biixi Oo Warbaahinta Somalililand Weydsiisay Hadal Haynta Sheegaysa Inuu Dalka Handaraabay Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay
October 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warbaahintu su’aal ka waydiisay in uu dalka handaraabay iyo magaca loo bixiyay ee Muuse Handaraab ayaa yidhi;
“Intii aqalku banaanaan lahaa in la handaraabo ayaa la qaatay haddii kale wax walba way soo galayaan… Handaraabkaas waxbaa ka jira laakiin ma waxaa la yidhi maba furaba? anigu aroortii todobadaan furaa idinkoo soo shaqo-taginba illaa habeenkiina waa idiin furan yahay”