Dawlada Turkiga Oo Ku Hanjabtay Arin Cabsi Galisay Sucuudiga
October 21, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Turkiga ayaa balan qaaday in uu soo bandhigi doono faafaahinta ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbaly in Marxuum Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul.
Sacuudi Carabiya ayaa maalintii jimacaha ahayd sheegtay in Marxuum Jamal Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda.