Maalqabeenka Ugu Da’da Yar Afrika Oo Xoriyadiisa Dib U Helay Muddo Uu Afduubna Kadib.
October 21, 2018 - Written by Berbera Today
Darasalam(Berberatoday.com)-Waxa xoriyadiisii dib u helay Maxamed Dewji oo ah maalqabeenka ugu da’da
yar qaaradan Afrika , kaas oo muddo 10 cisho ah u afduubnaa koox budhcad ah oo ka afduubtay caasimada tansaaniya ee Darasalaam.
Ilaa hadda ma cadda habka loo soo daayey Maxamed Dewji , waxa uu u mahadceliyey markii la soo daayey ciidamada Booliska Dalka Tansaniya iyo cid kasta oo u soo ducaysay intii la haystay.
Ninkan oo 43 sanno jir ah ayaa ah ganacsadde caan ka ah dalka Tansaaniya iyo wadamada Afrika, isaga oo noqday Bilyaneerka ugu da’da yar qaaradda Afrika.