Masuuliyiinta Xisbiyada Waddani Iyo Ucid Oo Si Adag Uga Jawaabay Eedaynta Madaxweyne Biixi Iyo Mawqifkooda Doorashada
October 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(berberatoday.com)-Doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka Somaliland oo hore loo qoondeeyay inay qabsoomaan bisha saddexaad ee sannadka dambe, ayaa madmadow soo galay suurto-gelnimadooda.
Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa eedayn meel weyday iyo wax lagu qoslo ku tilmaamay eedaynta uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi shalay u jeediyey labadaas Xisbi, gaar ahaan Waddani oo uu tilmaamay in doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee loo qorsheeyey bisha 3-aad ee 2019-ka u deldelantay.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Jirde iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa eedayntaas Madaxtooyada iyo faahfaahinta uu bixiyey mar uu shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, waxay ku iftiimiyeen wax badan oo Madaxweynuhu sheegay inaanay sidaas uu u sheegay ahayn.