War Deg Deg Ah”Mid Ka Mid Ah Maayirada Degmooyinka Somaliland Oo Xilkii Laga Qaaday
October 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaanada Golaha deeganka magaalada Baligubadle ayaa waxaa ay saaka fadhi ku qabsadeen hoolka shirarka ee dawlada Hoose waxaana ay u gacan taageen mooshin muddo bil ka badan ka yaalay maayarka magaaladaasi xil Cabdi Iiman Jaamac
Xildhibaanada oo tiradoodu aheyd 9 xildhibaan ayaa waxaa ay Maayar cusub u doorteen in uu noqdo Xildhibaan Aadan Cali Xassan .
Maayarkii hore ee Baligubadle ayaan isagu joogin goobta ay codeyntu ka dhacday isla markaana magaalada ka maqanaa balse soo galay Magaalada Muddo sacaad ah ka dib .