berberatoday.com
Madaxweyne Erdoganka Turkiga Oo Iminka War Cusub Ka Soo Saarey Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi
October 23, 2018 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun”

Isaga oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey baarlamanka, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn sheegashada Sacuudiga ah ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka.

 

 

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay diyaarinta qorshaha dilka billaabeen dabayaaqadii bishii September ka hor inta aan Khashoggi la dilin labadii October.

Hadalkiisa ayaa waxa uu burinayaa kan Sacuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggii uu ku geeriyooday dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dalbaday in 18-ka qof ee Sacuudiga ay sheegeen in dilka loo xidhay, lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul, oo dilka uu ka dhacay.

Erdogan ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin daacadnimada boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis, isaga oo aan sharaxaad bixin.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la aqoon halka uu jiro meydka Jamal Khashoggi, wuxuuna Sacuudiga ka dalbaday inay shaaca ka qaadaan qof Turkish ah oo la shaqeeya, oo meydka qaaday.

Erdogan ayaan khudbaddiisa ku magacaabin Maxamed Bin Salman, oo qaar ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka ay dilka ku eedeeyeen, hase yeeshee waxa uu sheegay in Turkey aysan soo xidhi doonin baadhitaanka kiiska dhimashada Khashoggi, illaa dhammaan su’alaaha taagan laga jawaabo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews