Boqorka Sucuudiga Iyo Wiilkiisa Dhaxal Sugaha Ah Oo La Kulmay Qoyska Jamal Khashoggi Ee Lala Xidhidhinayo Dilka Aabohood
October 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(berberatoday.com)-Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin C/casiis iyo Dhaxal-suge Amiir Maxamed Bin Salmaan waxay maanta si rasmi ah ula kulmeen laba wiil uu dhalay Jamaal Khashoggi.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa soo bandhigay Muuqaalka Qaabilaadaasi, wuxuuna Boqor Salmaan u tacsiyadeeyey Qoyska Jamaal Khashoggi.
Boqorka ayaa shalay Khadka telka ugu tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay Suxufi Jamaal Khashoggi, isagoo maantana ku qaabilay qasriga Sacuudiga.
