Muwaadin Soomaali Ah Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Mareykanka Iyo Danbiga Loo Haysto
October 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxamed Cabdullaahi oo ah muwaadin Soomaali ah maxkamad lagu soo taagay dalka Mareykanka isaga oo ku eedeysan in uu ku lug lahaa dilka gabadh cadaan oo dhacay 14kii bishan.
Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay soo xidheen aroornimadii Isiinta Maxamed Cabdullaahi oo 27 sano jir Soomaali ah, waxaana qabashadiisa ay ka dambeysay kadib markii askari uu joojiyay gaadhi uu watay Maxamed.
Booliiska ayaa sheegay in ay is waafaqeen kaddib wareysi ay la yeesheen eedeysanaha warbixinta uu bixiyay iyo calaamadaha ku yaalla jidhka gabadha meydka ah.