“Waxaanu Farmaajo U Sheegnay In Soomaaliyadii Siyaad Barre Uu Ninka Keliyi Talinayay Ay Dhamaatay..” Safiirka Dalka Talyaaniga U Qaabilsan Dalalka Gobolka Geeska Afrika
October 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan dalalka gobalka Geeska Afrika Danjire Luciano Pezzotti, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ku wargeliyeen inuu iska ilaaliyo dabeecadihii Maxamed Siyaad Barre ee kalitalisnimo.
Danjire Luciano Pezzotti, oo shalay hadal ka jeediyay shir balaadhan oo ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo lagaga hadlayay xaaladaha gobalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu ku soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada