Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gurigiisa Ku Booqday Siyaasiga Ruugcadaaga Ah Ee Cumar Carte Qaalib+Daawo Sawirada
October 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqasho ugu tagay odayga ruug cadaaga Siyaasiga ah ee Cumar Carte Qaalib hoyga uu ka dagan yahay magaaladda Hargaysa, siyaasigan oo wakhti dheer ku soo jiray saaxadda siyaasada, door weyna ku lahaa dib u dhiskii dalka Somaliland, ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hirgelinta nidaamka axsaabta badan ee ururada siyaasada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ururadii wakhtigaasi la aas-aasay ee u tartamay xisbiyada qaranka Somaliland
