Daawo Muuqalka”Xog Waranka Hooyo Faadumo Ka Bixisay Doonidii Ku Qaraqantay Xeebaha U dhaxeysa Talyaaniga Iyo Masar Oo Laba Qof Kaga Dhinteen
April 20, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Faadumo Cawil Khayre waa hooyo ku nool magaalada Hargeysa oo ay bada kaga dhinteen gabadh iyo ilmo yar oo ay dhashey.
Waxaa ay markii u horeysay sheegtay in doonidii ku qaraqantay xeebaha giriiga ay mudo toban cisho ah bada ku jirtay oo la waayay meel ay ku sugantahay, hooyadu waxaa ay sheegtay inay ka murugeysantahay dayac ay sheegtay inay bulshadii ka kulantay xukuumada Somaliland taasi oo ay sabab uga dhigtay tahriibiyayaasha dhalinyarta dalka ka kaxeeya.
Faadumo waxaa ay sheegtay inay mudadaasi doontu bada ku jirtay ay la hadlaysay cidwalba oo garab moodaysay balse ay dadkaasi ugu jawaabeen inay doonidaasi nabad qabto.