Markaba Siday In Ka Badan 2500 Qori Oo AK-47 Ah Iyo Hub Kale Oo La Qabtay Iyo Cida Loo Wadey
October 26, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ayaa baadhaya in ka badan 2,500 qori oo AK-47 ah iyo hub kale oo ay qabteen Ciidanka Maraykanka ee xeebaha Soomaaliya iyo Yemen si loo ogaado in hubkaasi loo waday Soomaaliya ama Yemen.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in ay ku casumeen UN Monitoring Group October 25 si loo go’aamiyo in hubkaasi Iran u tahriibinaysay muwaadiniinta shiiciga ah ee Xuutiyiinta ah ee dagaalka kula jiray dawladda Yemen afar sano ee lasoo dhaafay.