Akhriso”Awoodaha Maamul Ee Ay Yeelan Doonto Haweenayda Madaxweynaha Ka Ah Dalka Itoobiya
October 26, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Baarlamaanka Itoobiya ayaa madaxweynaha dalkaas markii ugu horeysay shalay u doortay haweenay , taas oo magaceedu yahay Sahle-Work Zewde, oo 68 jir ah, taas oo badashay Mulatu Teshome.

Ka sokoow warka weyn ee ah in gabadhani ay noqonayso qofka kaliya ee dumar ah ee qaaradda Afrika dal ka mid ah madaxweyne ka noqota xilligan, waxay dad badan isweeydiinayaan awoodaha dhabta ee uu xilkani la imanayo.