Golaha Ammaanka Oo Ka Shiraya Warbixin Laga Soo Saaray Xaalado Ugaar Ah Eritrea Iyo Somaliya
October 28, 2018 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa yeeshay wada xaajood aan rasmi ahayn oo ay ku eegayaan warbixinadii ugu dambeeyay ay guddiga soo saareen.
Guddiga ayaa soo dhaweeyay dadaalada dowladda federaalka ee Soomaaliya ee ah sida ay ugu hoggaansatay inay qayb kamid ah la qaado xayiraadda hubka isla markaasna ay ugu baaqday inay si ambaqaado tallaabadan.