Weerar Dad Badani Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Mareykanka Iyo Tirada Dhimashada
October 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa magaalada Pittsburgh ee dalka Mareykanka lagu dilay 11 qof kaddib markii qof hubaysan uu rasaas ku furay macbad Yuhuudda ay ku cibaadeysato oo halkaasi ku yaalla.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen werarkan oo uu ku tilmaamay mid si naxariis darro ah oo aan kala sooc lahayn loo fuliyay.