Akhriso”Ujeedada Kulan Qarsoodi Ah Oo Hargaysa Ku Dhexmaray Saylici Iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
November 2, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay kulan qarsoodi ah la yeeshay Siyaasi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo in muddo ahba saaxadda siyaasadda ka maqnaa tan iyo intii Urur siyaasadeedkiisii UMADDU ku hadhay tartankii Ururrada Siyaasadda Somaliland doorashooyinkii sannadkii 2012.
Ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulan siyaasadeedkan ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in shalay Galinkii hore ay kulan gaar ah yeesheen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyada oo ay xogahani tibaaxayaan in Madaxweyne ku xigeenku isagu ahaa masuulka siyaasiga booqashada ugu tagay, walina lama oga sababta keentay kulankaasi iyo waxa uu daarnaa toona