Amiirka Sucuudigu Maxuu Ku Sifeeyey Waryihii Amarkiisa Lagu Dilay Ee Jamaal Khaashuqji
November 2, 2018 - Written by Berbera Today
Jiddah(Berberatoday.com)-Amiirka dhaxalsuga ah ee waddanka Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah, warbaahinta ayaa ku warramaysa.
Amiir Maxamed ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay.
Sucuudi Carabiya ayaa iska fogaysay wararkaasi lagu daabacay wargeysyada Washington Post iyo New York Times.