Musharrax Balli-cabbane Geeyay Dhakhaatiir Si Tabaruc Ah Dadka U Daweynaya Iyo Qalab Ciyareed Uu Gudoonsiiyay Dhalinyaro
November 3, 2018 - Written by Berbera Today
Balicabane(Berberatoday.com)-Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug oo u sharaxan Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa deeq agab ciyaareed iyo dhakhaatiir caafimaadba gaadhsiiyay degmada Balli-cabane ee gobolka Hawd.
Waxaanu musharaxani uu balanqaaday haddii uu ku guuleysato Doorashada Golaha deegaanka Hargeysa in uu wax badan ka tari doono baahiyaha kala duwan ee ku gadaaman degmada Balicabane.
Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug musharaxa golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Qorshayaasheyda danbe iyo kuweyga horeba waxaa ay yihiin in degmadda Balicabane in aan wax uga qabto, haday dhanka caafimaadka, ciyaaraha iyo adeegyadda waxbarashadda intaba inaan wax ka qabashadooda qayb laxaad leh ka qaato, horumarka wadanku hiigsanayo inaguna ka degmo ahaan inaynu wax badan ka qabano, oo talo iyo tusaale intaba aynu isku biirino oo bulsho isku tashatay aynu noqono bulshada degmadda Balicabane aad ayaan uga mahad celinayaa soo dhaweynta diiran ee ay noo sameeyeen imikana waxaan agabkan ciyaareed oo dhalinyaradda degmada aan ugu talo galay aan ku wareejin doonaa gudoomiyaha degmadda”