“Xisbiyada Mucaaradka Waxay Dantu Ugu Jirtaa Qabsoomidda Doorashooyinka,Waayo Haddii Doorasho Dhici Waydo Dastuurkeena Ayaa korodhsiimada Xalaalaynaya”Abdirashid Hasan Mataan.
November 3, 2018 - Written by Berbera Today
Geeddi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland Waxa muhiim u ah in doorashooyinka Golayaasha Muddo Dhaafay Inoo Qabsoomaan.
Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay caddeeyeen in ay dhinacooda diyaar ka yihiin qabsoomidda doorashooyinkaasi isla markaana ay xukuumadda ka heleen kharashkii loogu talogalay.
