berberatoday.com
Saddex Agaasime Guud Oo Wada-jir Kormeer Shaqo Ugu Soo Maray Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Gabiley+Daawo/Akhriso
November 3, 2018 - Written by Berbera Today

Gabiley(Berberatoday.com)-Agaasimayaasha Wasaaradaha Horumarinta Beeraha, Biyaha, Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kormeer shaqo ku soo maray deegaanno ka mid ah Gobolka Gabiley.

DSC_3742

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Dr. Axmed Cali Maax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamaal Cabdi Muuse iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga oo kormeerkooda shaqo ka bilaabay degmada Arabsiyo, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Gobolka Gabiley oo ay ka mid yihiin Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Gabiley, Xoghayaha fulinta ee Dawladda Hoose ee Gabiley, Guddoomiyaha degmada Arabsiyo, Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha Horumarinta Beeraha Maxamed Maxamuud, waxayna intii ay Arabsiyo joogeen booqdeen Xarunta Kaydka Biyaha ee Arabsiyo, Dhuumo la doonayo in Biyo-gelin loogu sameeyo Arabsiyo, waxayna War-bixinno arrimahaa la xidhiidha ka dhegaysteen Maamulka degmada Arabsiyo, kuwaasi oo Masuuliyiintan ka socday Dawladda dhexe ka codsadeen in wixii baahiyo ah ee ka jira deegaankooda wax laga qabto.

Intaasi ka dib, waxay Weftigu tageen Xarunta Maamulka Wakaaladda Biyaha ee degmada Gabiley, waxayna War-bixin la xidhiidha Xaaladda Biyaha ee degmadaasi ka dhegaysteen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Gabiley, kaasi oo u sharraxay siday Gabiley u hesho biyaha, Xaaladda Mishiinnada Biyo soo-saarka iyo arrimo kale oo la xidhiidha hanaanka Wakaaladdu u shaqayso, markaasi ka dibna waxay Masuuliyiintu soo kormeereen Ceelasha Biyo soo-saarka ee Gabiley oo ku yaalla deegaanka Botor, si ay u ogaadaan Xaaladda dhabta ee Mishiinnada halkaasi lagaga shaqeeyo, si marka la ogaado xaaladdooda loo qaadi karo Tallaabooyin lagu soo horumarinayo.

Weftigan oo kormeerkiisa shaqo sii wata, ayaa markii ay dhameeyeen Kormeerka Ceelasha Biyo soo-saarka ee Botor, waxay u gudbeen Banka Wajaale oo Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ka qodday Dalagyo kala duwan, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay isla-markaana Weftiga War-bixin siiyey Maareeyaha Mashruucaa u qaabilsan Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mowliid Xasan Cabdi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Beeraha Dr. Axmed Cali Maax oo isaguna Weftiga War-bixin ka siiyey Mashruuca Wajaale, ayaa u sheegay in Dalagyada Wasaaraddu ka qodday Banka Wajaale 90% yahay Hadhuudh, sidaasi darteedna Hadhuudhka iyo dalagyadii kale ee laga beeray si wanaagsan u baxeen, isla-markaana qayb uu Qamadinku ka mid yahay la gooyey, dalagyada kalena diyaar u yihiin la gooyo, si looga faa’idaysto.

Intaasi ka dib, Weftiga ayaa u kolonyaystay dhinaca deegaanka Bus oo Degmada Gabiley illaa 40KM kaga beegan dhanka Waqooyi, halkaasi oo Xukuumaddu ka bilaabayso Mashaariic Horumarineed oo la xidhiidha dhanka Beeraha, Biyaha iyo Xoolaha, waxaana halkaa Weftiga ku soo dhaweeyay Dadweynaha deegaankaasi ku dhaqan.

Soo dhaweyntaasi ka dib, Munaasibad lagu qabtay degmada Bus ee Gobolka Gabiley ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Saddexda Agaasime Guud, Guddoomiyaha Urur Horumarineed, Madax-dhaqameed iyo Waxgaradka Degmadaasi.

Warkaasi oo Muuqaal ah Halkan Hoose Ka Daawo

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews