Dabley Weerartay Xabsi Uu Ku Xidhnaa Nabad-doon Caan Ka Ah Puntland
November 3, 2018 - Written by Berbera Today
Boosaaso(Aftahannews)– Rag hubaysan, ayaa weerarray Xabsiga Minjir ee magaalada Boosaaso, halkaas oo Ciidanka amniga Puntland gelinkii hore ee maanta ay ku xidheen Nabad-doon caan ka ah deegaannada Puntland.
Dableyda weerartay xabsiga ayaa la sheegay si xoog ah inay bannaanka uga soo saareen xabsiga Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo laga xidhay kantoroolka Boosaaso.
Wararka ayaa inta ku daraya nabadoonku inuu xabsiga iskiisa ugu laabtay, sidoo kallena noloshiisa ayaa halis gashay rasaas la furay.
Xaaladda xabsiga Minjir ayaa hadda deggan ,waxaana gacanta ku haya ciidanka ilaalada xabsiga ee Puntland,mase jirto wax hadal ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Puntland oo looga hadlay weerarka xabsiga