Dawlada Ingiriiska Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqdey Dariiqa Kaliya Ee Ay Somaliland Ku Heli Karto Ictiraaf
November 4, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay si waadax ah uga hadashay habka ay Somaliland Beesha Caalamka uga helo karto Ictiraaf.
Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u sheegtay in Ictiraafka Somaliland uu ku xidhan yahay inay ku heshiiyaan iyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wargeyska Financial Times (FT) ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaadhi karo Ictiraafkaasi.