Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Galbeedka Burco Oo Cadho Kaga Soo Huleeyay Kulan U Balansanaa Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta
November 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Koox Siyaasiyiin ah oo miisaan Culus Oo kasoo jeeda Deegaanka Galbeedka Magaaladda Burco oo kulan gaar ahi u balansanaa Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulankoodii baaqday kadib markii ay kooxdaasi ka biyo diideen arin u saamixi wayday sida la sheegay inuu kulankaasi fulo.
Warkan oo lagu baahiyay Shabakada Wararka ee Tusmo24.com ayaa lagu sheegay in Kooxdan Siyaasiyiinta ah oo sida la sheegay Cadho kaga soo huleeshay Madaxtooyadda kadib markii ay u cuntami wayday hanaankii uu u qaabilay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wax ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista hawada Xukuumaddii hore Farxaan Aadan Haybe, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii UDUB Siciid Sulub Maxamed,Masuuliyiin kale iyo nin sarkaal Ciidan ahaa oo magaciisa lagu sheegay Ilkacase. Warkan ayaa intaasi ku daray in xiitaa uu masuuliyiintan la socday oo uu horkacayay Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo ay isku deegaan kasoo wada jeedaan.