Wakiilka Qaramada Midoobey Oo Madaxweynaha Maamulka Puntland Kala Hadlay Colaadda Tukaraq Iyo Xidhiidhka Dawladda Federaalka
November 4, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, Nicholas Haysom oo ay waheliyaan saraakiil kale oo soo gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Garoowe Cabdiwali Gaas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray colaadda deegaanka Tukaraq oo tan iyo bishii Jeanery ay isku hor-fadhiyeen ciidammo ka tirsan Somaliland iyo Soomaaliya inta waxaa dheer oo kulanka lagu soo qaaday xidhiidhkii wadatashaqeynta dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada sidii dib loogu hagaajin lahaa, kaas oo hakad galay bishii September.