Wasiirka Warfaafinta Oo Telefishano Somaliland Ka Hawl Gala Ku Eedeyey Inay Xidhiidh La Leeyihiin Jabhadda Caarre, Dacwad Uu Gudbiyay Xeer Ilaalinta
November 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland ayaa walaac ka muujisay amar ay sheegtay in uu cabudhin ku yahay warbaahinta kaasi oo uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.
Qoraal ay soo saartay xaruntu ayaa lagu yidhi:
“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay u soo jeedinaysaa Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu joojiyo amarada is-daba joogga ah ee xanibaadda ku ah xorriyadda warbaahinta oo ay ilaaliyeen dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu.