“Wakhti Xaadirkan Uma Eeka Inay Doorasho Xiligeedii Dhaceyso ..”Wasiir Sacad Cali Shire
November 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inayna umuuqan in doorashada Somaliland ku dhici karto xiligii loogu tala galay.
Wasiirka ayaa sheegay in wakhtiga hadhay oo yar awgii aanay suura gal ahayn in doorasho dhacdo.
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal doorashada ku saabsan oo lawaydiiyay ayaa yidhi
“Dimuqraadiyadu waa in dadku soo doortaan dadka iyagu matalaya ee siyaasada gacanta ku haya iyo inay doorashooyinku xiligoodii dhacaan, waa run oo muddo dhaaf wuu jiraa khaasatan baarlamaanka muddo dhaaf dheer ayaa jira, dawladaha hoose waxay ahayd in kalhore laqabto, guurtidu iyadu wakhti cayiman malaha laakiin way ubaahantahay in iyadana wakhti mucayima loo sameeyo.