Suxuf Qoraa Ah Oo Xabsi Sucuudiga Kuyaala Lagu Dhex Dilay
November 6, 2018 - Written by Berbera Today
Jiddah(Berberatoday.com)-Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jidh dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej.
Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xidhay isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xidhay kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada.