Hooyo Ku Nool Magaalada Hargeysa oo Hindistay Farsamo Nooceedu Cusub Yahay
November 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Hargeysa ayaan badankoodu awoodin kirada guryaha waxaanay samaystaan aqallo Soomaali ama cooshado kale oo ay galaan.
Waris Aamin Cigaal oo ku nool magaalada Hargeysa oo ah hooyo dadka ka farcamay ay tiradoodu tahay 33 qof ayaa waxa ay dhisatay guri ka samaysan caagadaha biyaha iyo sharaabka laga cabbo oo ciid laga buuxiyey, oo sidii midabada iyo dhagaxa loo isticmaalayo.
Laba guri oo isku ag yaalla ayey Waris iyo qoyskeeda dagganyihiin, balse kuma filna maxaa yeelay inta ay dhashay iyo intii ay sii dhaleen ayaa gaadhaya 33 qof.